amiino asiidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiino asiidh
m.l (-dhyo, m.dh) (baayoloji) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH) iyo amino (-NH2) oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amiino asiidh
m.l (-dhyo, m.dh) (baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH) iyo amino (-NH2) oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaasma
m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolibabtaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baayoloji) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kodhon
m.l (-no, m.dh) (baayoloji) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kollooydh-soocid
m.dh (baayoloji) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertada Kerb
m.dh (baayoloji) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balaasma
m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boolibabtaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka yimaada amiino asiidho isugu xidhmay dariiqadda xarfinta. B.adu waxay isugu xidhmaan si ay u sameeyaan borotiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kodhon
m.l (-no, m.dh) (baay.) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kollooydh-soocid
m.dh (baay.) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meertada kerb
m.dh (baay.) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodhon
-ka: (magac, lab, keli) beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA-da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolloydhsoocid
-da: (magac, dhedig, keli) dariiqo molikuyuulada waaweyn sida, istaarajka ama borotiinka iyo molikuyuulada yaryar sida, guluukows ama amiino asiidhada oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badhhabe ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Amino acid
Amiino asiidh
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
amino acid
(n) any organic compound which is the foundation to any of various proteins, and important for proper body function.
barootiinka markuu galo habka dheefshiidka jajabka ugu yar ee geli kara jidhka